Waa Maxay Galileo GDS? Galileo GDS waa system caalami ah oo aad u baaxad weyn, Galileo GDS waxa uu kamid yahay system-yada loogu isticmaalka badan yahay geyiga soomaalida iyo guud ahaan caalam-ka, system-ka waxa uu leeyahay habab fudud oo kala duwan sida “Graphical User Interface iyo Command line Interface” Galileo Gds waxaa loo adeegsadaa ama loo isticmaalaa qiimeynta ticket-dhada caalamiga ah, ogaanshaha Shuruucda ticket-dhada, ogaanshaha kiilaadka loo ogol yahay rakaabka, qabashada ama Xajinta booska diyaarada (Seat Reservation) ama jarashada ticket-dhada(ticket issuance), waxaa adeegsada Wakaaladaha Socdaalka, (Travel Agencies), Boos celinta Hudheelada (Hotels), Shirkadaha Kireya Gawaarida (Car Renting Companies), waxayna u adeegsadaan si lamida sida ay u adeegsadaan travel agencies-ka. Faafaahin Dheeri Guji Halkan
Galileo GDS sidee ayuu u shaqeeyaa? : Waa Maxay Galileo GDS?
Galileo GDS waxa uu inta badan isticmaalaa wakhtiga-dhabta ah (tusaale : tirada qolalka huteel-ka kabanaan ayaa laga eegaa, tirada kuraasta kabanaan diyaarada ama tirada baabuurta la heli karo markaa) ee adeeg bixiyayaasha. Wakaaladaha socdaalku dhaqan ahaan ama caadi ahaan waxay ku tiirsanyihiin GDS-yada. Haddaba, GDS-ku waxa uu isku xidhi karaa adeegyada, qiimayaasha iyo ballan-qaadyada xoojinaya badeecadaha iyo adeegyada dhammaan saddexda waaxood ee safarka: tusaale ahaan, boos qabsiga diyaaradaha, boos xajinta hudheelada, kiraynta baabuurta. si aad waxbadan kaga ogaada GDS Guji Halkan.
Galileo GDS Sidee Qiimaha loogu Ogaadaa?
Marka aad dooneyso inaad qiimeyso duuliimaad, si aad u ogaato qiimo duulimaad waxaa mahiim ah inad weydiiso system-ka sedexdan, mabanantahay diyaarada (Availability), kadibna inad qabsato kusiga (Seat Selection), kadib ayaad qiimeyn sameyn kartaa (Fare Quoting), sedexdaan waxaa la isku dhahaa qiimeyn (Quotation), Guji Halkan si aad kaga bogato muuqaalo quseyo Quotations, balse intaan waxaa ka horeyso inaad ogtahay Taariikhda dulimaad-ka, Diyaarada uu doortey macmiil-ka iyo Magaalada ama Garoonka laga dhoofayo iyo Magaalada loo dhoofayo, waxan xaga sare ee qormada kusoo sheegney inuu nidaam-ka Galileo uu adeegsado labo hab oo kala ahaa Nidaam-ka Fudud (Graphiphical User Interface) iyo Nidaam-ka adag (Command Line Interface), hadba midkaa doonto isticmaal waa muhiim inad garaneyso codes-ka garoomada iyo diyaaradaha.